Daawo: Fariin uu soo diray Askari Ugandes ah oo ay Alshabaab ku qabteen dagaalkii Janaale

Wararka Maanta

Ururka Alshabaab ayaa markii ugu horreysay baahiyay Muuqaal oo uu kasoo muuqanayo Askari Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaas oo Sannad ka hor ay ku  qabteen dagaalkii ka dhacay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

photo_2016-09-26_18-41-27

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y waxa uu Ciidamada Meliteriga ee dalka Uganda kusoo biiray Sannadkii 2009kii, isagoona ka mid ahaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom oo Sannado ka hor lagu soo daabulay dalka Soomaaliya.

Masassa M.Y waxa uu farriintiisa kula hadlay Hogaamiyaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, waxa uu sidoo kale la hadlay Shacabka dalkiisa, isagoona codsaday in laga shaqeeyo sidii lagu sii deyn ah oo uu xorriyadiisa u heli lahaa.

Dagaalkii cuslaa ee Sannad ka hor deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa lagu dilay inkabadan 50 Askari oo u dhashay dalka Uganda, waxaa sidoo kale dagaalkaas lagu qabtay Askar Maxaabiis ah, kuwaas oo illaa iyo hadda tiradooda aysan si rasmi ah u sheegin Xarakada Alshabaab.

Comments are closed.