Ciidamada Dowladda oo Askar iskaga dilay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Ugu yaraan shan Askari ayaa ku geeriyooday iska hor iaadyo maanta dhax-maray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku sugnaa meelo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Ciidanka Xasilinta Muqdisho ayaa toogasho ku dilay Askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya kadib israsaaseyn ka dhacday inta u dhaxeysa Madaxtooyada iyo Ceel-gaabta waxaana xiisad Arintaasi ka dhalatay ay sababta in mar kale ay dagaalameen Ciidanka Madaxtoooyada iyo kuwa Xasilinta.

Dagaalka labaad ee Ciidamada Xasilinta iyo Kuwa Madxtooyada ayaa ka dhacay Bar Koontorool oo ku taala Tiyaatarka Magaalada Muqdisho waxayna daba joogtay iska hor imaadkii ka dhacay Celgaabta.

Tiyaartarka iska hor imaadkii ka dhacay ayaa Sababay dhimashada Saddex ka mid ah Ciidanka Xasilinta waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray ciidan kale.

Labadaan dagaal ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka sii horeeyay Dagaal kale oo Ciidanka Xasilinta iyo Milatari ku dhaxmaray Xaafadda Kaawa Godey ee gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa labada Ciidan ee Xasilinta iyo Milatariga Soomaaliya oo dhowr jeer hore u dagaalamay.

FB_IMG_1501078309059 FB_IMG_1501078313327