IMF iyo World Bank waa laba hay’adood aad u halis badan oo wadamada reer galbeedka u dhisteen in ay ku hantiyaan khayraadka wadamada dunida seddaxaad ee saboolka ah. Madaxweyne keligii taliye ah ayey ammaah siinayaan iyaga oo og in uusan bixin karin dayntaa kadib wadankii ayey waxey u soo jeediyaan in daynta ka cafinayaan islamarkana kaalmooyin bani’aadannimo siinayaan haddii taladooda yeelo. Talooyinka World Bank iyo IMF bixiyaan badanaa ma noqdaan kuwo lagu liibaanno.
Ma jiro caalamka wadan dunida seddaxaad ah oo ay World Bank iyo IMF garab qabteen oo horumar gaara. Waxey wadamada ku qasbaan si daynta looga cafiyo ( to privatize the nations’assets) in khayraadkii wadanka laga dhigo hanti gaar loo yeelan karo si shirkadaha waaweyn ee reer galbeedka ( western corporations) u wada iibsadaan khayraadkii dalka lahaa, beerihii, shirkadihii kaluumeysiga, bangiyadii, warshadihii waxsoosaarka, ceelashii shidaalka, macdanta iwm.
Daynta Soomaaliya hadda IMF ku leedahay waa $ 5.3 bilyan. Lacagtan waxaa asalkeeda qaadatey dowladii madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Bare waxeyna ahayd $2,370 Billion. Waxaana fuushey lacag dulsaar ah $2,924 billion. Dulsaarka fuuley waa 53% oo wuxuu ka badan yahay lacagtii ammaahda ahayd. Hadda waxaa socda qorshe dowlada Soomaaliya looga cafinayo lacagtan inta badan si ammaah kale oo dib u dhisid dalka ah loo siiyo iyo in lacag cusub loogu soo daabaco dalka.
Aniga waxaan qabaa in dowlada Soomaaliya arrimaha IMF iyo World Bank kala tashadaan dowlada Turkiya madaama dowlada Turkiya tahay dowlad iska bixisey dayntii lagu lahaa aqoon fiicanna u leh sida ay u shaqeeyaan hay’adahan si aan debin kale loogu dhicin.
W/Qorey: Ilyas Mohamud Hussien