Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ku wajahan yihiin ciidamo ka socdo AMISOM.
Ciidamada ayaa waxay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo la filayo inay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
Walow aanan la ogeyn dalka ay ka socdaan ciidamada ayaa haddana waxaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusomareeb, kadibna ay xaqiijiyaan amaanka hareeraha magaalada Dhuusomareeb.
Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kamid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.
“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.
Balse Baahida loo qabo Ciidamo Amisom ayaa imaanaysa Xili Ururka Ahlusunna ay Gabi ahaanbo Mamnuuceen in Askari aan Kooda ahayn uusan Soo gali karin Deegaanada ay ka gacanta ku hayaan waxaana Meesha kabaxaysa in Madaxda Galmudug oo Heshiis lagalay Maamulka Ahlusunna ay Ilaaladadooda Xitaa la galaan Dhuusamareeb. Waxaana Macquula inta Si buuxda loo dhamaystirayo Heeshiiskii Jabuuti iyo Muqdisho in Amisom ay la wareegto Xaqiijinta Amniga Deegaanadaas.
Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu usii gudbaa magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusomareeb.