warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ayaa lagu cadeeyey inuu burburay heshiiskii ay horey u galeen Ahlu Sunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sheekh Shaakir ayaa ku eedeeyey in dowladdu ka baxday heshiis kadib markii ay ciidamo dheeraad ah ka keeneen Muqdisho. Sidoo kale ayaa faray ciidanka Ahlu Sunna in ay galaan heeggan buuxa.
Dowladda Federaalka ayaa maalmahan ciidamo iyo saanad milatari ka dajisay Dhuusamareeb, arintaas oo muujisay in Dowladdu dooneyso in ay xoog ku maquuniso Ahlu Sunna.
24 June 2019 ayey aheyd markii Ahlu Sunna ku boodeen saaxiibkoodii siyaasadda Axmed Ducaale Xaaf, iyagoo si gaar ah ula heshiisay Dowladda, arintaas oo ku qasabtay Xaaf inuu maciinbido magaalada Cadaado, kadibna isku dhiibo Dowladda.
Loolanka Ahlu sunna iyo Dowladda ayaa laga cabsi qabaan inuu gaaro gacan ka hadal, taas oo dhibaato kasoo gaareyso shacabka deegaanka.