Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dib U Furay Garoon Ay Al-shabaab Xireen

Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa kormeer la xiriiira howl-gallada dhanka amniga ka sameeyay Xalay Degmada Yaaqshiiq ee Gobalka Banaadir.

Kormeerka ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoommiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee Gobolka Banaadir , Maxamed Cabdullahi Tuulax, isagoo Kormeer Ku Sameeyey qeybo badan oo kamid ah Degmadda Yaaqshiid , halkaas oo maamulka Degmada iyo Ciidanka ammaankuba ay kawadeen xilligaas howlo lagu dar-darb gelinayo shaqada Qaran ee ay Dalka iyo Dadka u hayaan.

Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka, Maxamed Cabdullaahiu Tuulax ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxaa uu tagay Garoon Dhallinyaradda Degmadaasi ay Kubadda Cagta ku ciyaari jireen balse ay xireen Al-Shabaab kadib markii ay u soo hanjabeen, isagoo sheegay in Caawa laga billaabo uu furan yahay Garoonku isla markaana ay ku Ciyaari karaan Dhallinyarada.

Gudoomiye  Maxamed C/llaahi Tuulax , ayaa Ciidanka Degmada iyo Laamaha ammaankuba faray inay adkeeyaan nabad gelyada degaanka iyo Garoomada Kubbadda Cagta , si ay Dhallinyaradu ugu ciyaaraan.