Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Beledweyne

Wafdigaan Maanta gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, waxaana qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil kale. Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne kusoo dhaweeyay masuuliyiin […]

Continue Reading

Maqaal uu qoray MD Xasan Sh.: Madaxweyaha Soomaaliya Wuxuu Doonayaa In Lagu Taageero Ladagaallanka Ururrada Argagixisada

Madaxweyaha Soomaaliya Wuxuu Doonayaa In Lagu Taageero Ladagaallanka Ururrada Argagixisada   Waxaan dareemayaa in aan si gooni ah ugu qalmo ka-hadalka argagixisada caalamiga ah, maxaa yeelay waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex iskuday oo la igu khaarijin lahaa. Waxa ay ahayd muddo-xileedkaygii hore ee madaxweynenimo oo ka soo bilowday September 2012 illaa Febraury 2017. Iskudaygii […]

Continue Reading

Hoggaamiyihii Taliban ee loo haystay inuu ‘mar hore dhintay’ oo khudbad jeediyay

Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee ururka Taliban ayaa booqashadiisii ugu horraysay ku tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah waddanka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban. Mullah Hibatullah Akhundzada ayaa lagu soo warramay in uu khudbad ka jeediyay kulan ay ku sugnaayeen qiyaastii 3,000 oo aqoonyahanno diimeed ah, kuwaasoo isugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha […]

Continue Reading

Wasiir Beyle Oo Diiday Inuu Hortago Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Ku-simaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday in uu tago Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo dhawaan looga yeeray, Wasiir Bayle ayaa sheegay iney ku jiraan qaladaad dhinaca sharciga ah warqada ka soo baxday xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, isagoo tilmaamay in garyaqaanka guud ee dowladda uu la wadaagayo wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha […]

Continue Reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Imaaraatka

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA ISU-TAGGA IMAARAATKA CARABTA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda […]

Continue Reading

Madaxtooyada Galmudug oo ka hadashay dagaalkii Baxdo

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.   Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh […]

Continue Reading

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “REER BAXDO, WAXAAD SAAKA CASHAR LAMA ILAAWAAN AH U DHIGTEEN ARGAGIXISADA IDIN SOO WEERARTAY.”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “REER BAXDO, WAXAAD SAAKA CASHAR LAMA ILAAWAAN AH U DHIGTEEN ARGAGIXISADA IDIN SOO WEERARTAY.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen argagixisada Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas. . Madaxweynaha ayaa […]

Continue Reading

Daawo: Alshabaab oo 44 Askari looga dilay Baxdo

Kooxda Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana iska caabin xooggan kala horyimid ciidamada deegaanka iyo daraawiishta Galmudug. Dagaalka oo qaatay qiyaastii saddex saacadadood ayaa kooxda Alshabaab waxaa kasoo gaaray jab xooggan, waxaana tirada guud ee meydadka ay ka carareen gaarayaan 44 nin oo ay ku jiraan saraakiil ( […]

Continue Reading

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KALA HADLAY BANGIGA ADDUUNKA XOOJINTA TAAGEERADOODA SOOMAALIYA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa kala hadlay xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto […]

Continue Reading