Xukun lagu riday raggii kufsaday Caasho Ilyaas

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Maxkamada Darajada Koowaad Gobolka Nugaal ayaa Dil toogasho ku xukuntay 3 kamida 10 eedeysane oo loo heystay kufsi iyo dil loo geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caasho Ilyaas Aadan.

Waxaana 3 Eedaysane ee kala ah

  1. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame 24 jir.
  2. Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 32 jir.
  3. Cabdishakuur Maxamed Dige 46 jir.

Saddexdan eedeysane ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland. Garsooraha ayaa sidoo kale  sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah.

Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn.

Maxkamadeynta eedeysanayaashan ayaa socotay muddooyinkan, waxaana Kiiska kufsiga iyo dilka Caasho oo ah gabar yar oo aan qaangaarin uu ka dhacay bilowgii sanadkan magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna gilgilay oo aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed.