Xog: Kulanka Farmaajo iyo Saadaq Joon

Wararka Maanta

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan ‘Joon’ ayaa caawa ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya 8 bil kadib markii uu madaxweyne Farmaajo ka xayuubiyey janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo ku dhow Saadaq Joon ayaa sidoo kale xaqiijiyay kulanka labada masuul.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaraal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Xigasho: BBC