Xog dheeraad ah : Qarixii Maanta ka dhacay Wasaaradda Arimaha Gudaha (Sawirro)

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, oo u dhaw Taallada Sayidka, in la soo afjaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyeen dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

“Dowladda Soomaaliya dadaalkeeda inta ugu badan waxay ku bixisaa in dadka Soomaalida ay helaan amni iyo amaan, iyadoo uu  ka soo reynayay mudooyinkii ugu dambeysay oo talaabooyin laga qaaday sugidda amniga. Ciidamada amniga iyo dowladda qeybaheeda kale waa ay la falgaleen waqti kooban ayay ku soo afjareen, raggii argagixisada ee weerarka soo qaaday gebigoodba waa la dilay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaado caafimaad dibedda ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay bulshada siiso adeegyada aasaasiga u ah nolosha bani’aadamka, isla markaana ka shaqeyso sugidda amnigooda, halka Maleeshiyada Al-Shabaab ay shacabka xasuuqaan islamarkaana caadaystay inay baneestaan dhiiga dadka muslimiinta ah.

Dhanka kale Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay qaraxa ay gaarayaan illaa 12 ruux, halka 22 ay ku dhaawacmeen. Xog la helay ayaa sheegaysaa in laamaha ammaanka Dowlada ka war hayeen in Weerar kusoo wajahan yahay saddex xurmood midkood, xuramahaas ayaa kala ah Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha, Xarunta Ha’ayadda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Miqaayad u dhow Hotel Sayid.

Dadka Qaraxaan ku geeriyooday waxaa ka mid ah Maxamed Axmed Ilkacase oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Arimaha Gudaha, horeyna usoo noqday Xog-haynta Wasiirkii arimaha gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Xarunta Otto Otto ayaa waxaa ku yaalla xarumaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, waana goob aad ammaankeeda loo ilaaliyo, waxaana isa soo taraya su’aalo la iska weydiinayo oo ku aadan sida ay ku suura gashay weerarka intaas la eg in xarunta lagu soo qaado.

 

 

Tagged