Xildhibaanada Mooshinka ka Keenay Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Go’aanka Xog-haye Buux

Wararka Maanta

Xildhibaannada sheegay in ay gudibiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen in go’aanka uu Buux ku sheegay in mooshinka buray ay been abuurtahay.

Waxaa ay sheegeen in mooshinkaasi sharci yahay islamarkaana madaxweynaha laga doonayo in uu u hoggaansamo.

Xildhibaanada ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta Villa Hargeysa,waxa ay uga hadleen halka uu marayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya,waxaana uu hadalkooda u qornaa sidan.

Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro:

1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey

2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod.

Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha.

Doodda Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha ayaa wali ka sii socota Muqdisho,iyada oo isha lagu wadahayo hadba isbeddelka ka iman kara mooshinka muranka dhaliyay.