Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Ansixiyey Sharciga Naafada Qaranka

Wararka Maanta

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa ahaa ajandaha Aqrinta labaad ee hindise- Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada Haweenka iyo hormarinta xaquuqul insaanka Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyada oo fadhiga guud ee Aqalka sare ay xaadir ahaayeen 31 mudane.

Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Diinta Iyo Awqaafta iyo xuquuqul insaanka ee Aqalka sare,Sanetor Samsam Ibraahim Cali,ayaa xildhibaanada Aqalka sareka codsatay in la dadejiyo dhismaha Sharciga Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah dadka uu lixaadkoodu dhammaytirnayn.

Guud ahaan Xildhibaanada ku sugnaa fadhiga ayaa isku raacay in lameelmariyo sharciga dadka naafada ah.iyada oo cod gacantaag ah lagu ansixiyay.

Deeqa yaasiin Xaaji Yuusuf wasiirka wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa u mahadcelisay Xildhibaanada aqalka sare sida ay u ansixiyeen sharciga naafada qaranka.