Xarunta waxbarashada gobolka banaadir oo xariga laga jaray

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Cabdullahi Goodax Barre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadid ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Finsh ayaa xariga ka jaray xarunta Waxbarashada gobolka Banaadir oo muda 30-sano kadib dib loo hirgaliyay.

Xaruntaasi oo qeyb ka noqon doonto xoojinta adeegyada Waxbarashada, waxaana daahfurka xafiiskan goob joog ka ahaa hogaanada daladaha Waxbarasho ee dalka. iyadoo Xaruntan cusub laga hirgaliyay degmada Xamar Weyne, taasoo ka kooban dhowr qeybood oo bixin doona adeegyada Waxbarashada ee gobolka Banaadir, si loo helo waxabarsho taya leh oo bilaash ah iyo in laga baxo baahiyaha Waxbarasho ee taagan.

Masuuliyiintan ayaa kormeeray xafiisyada ay xaruntan ka kooban tahay waxayna ku kula dardaarmeen Madaxda xaruntani in ay dardargaliyaan horumarinta Waxabarashada Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay sida ay maamulkiisa uga go’an tahay horumatinta Waxabarshada.