Xaaf oo Qabashada Doorashada Galmudug u wakiishay Wasaaradda A. Gudaha DFS

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa caawa soo saaray xeer, isagoo qabashada doorashada Galmudug u wakiishay Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS. Warqaddan ayaa soo baxday iyadoo beri 4 Luulyo waqtiga Xaaf ku eg yahay.

Xaaf ayaa u muuqda inuu isku dhiibay Dowladda Nabad iyo Nolol. Isagoo galabta kulan la qaatay Fahad Yaasiin Taliye ku xigeenka NISA. Kulankan ayaa soo afjaray waayihii siyaasadeed Xaaf.

Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS ayaa horey ugu dhawaaqday in doorashada Galmudug lagu qabanaayo Magaalada Dhuusamareeb, arintaas oo ay ka biyo diideen beesha Cadaado, oo u arka in doorashadu ay ka dhacdo Cadaado oo ah xarunta Barlamaanka.