Home > Wararka Maanta > Wiil La Dhashay Taliyihii hore ee NISA oo lagu dilay Muqdisho

Wiil La Dhashay Taliyihii hore ee NISA oo lagu dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Maxamed Abuukar Tuuryare oo la dhashay taliyihii hore ee hayádda Nabadsugida Generaal Tuuryare aya saaka Ciidamada dawladda ku dileen isgoyska Siinaay.

Maxamed oo ahaa ardey dhiganayey jaamacad sanadkii u dambeeyey ayaa ku noolaa guriga taliyihi hore waxaana markii la tooganayey uu sagootinayey eedadiis oo saaka safar u aheyd Degmada Ceeldheer.

Taliyihi hore ee NISA aya bartiisa facebookga soo dhigay tacsida Maxamed isagoo sheegay inuu uga xanuun badanyahay geerida curudkiisa maadama uu korinayey oo uu la noolaa ilaa bilawga noloshiisa.

Dhinaca kale, Askarigii dilkii geystay waxaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, iyadoo maydka Marxuumka loo qaaday Xarunta Dembi-baarista Boliska ee CID-da.

Isha: Dalsan

You cannot copy content of this page
error: Content is protected !!