Wasiiru Dowladaha UK ee Arimaha Afrika oo booqday Baydhabo (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa Daahfurey Xarun loogu Talagalay inay Tababar ku Qaataan Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad Taasi  oo ka kooban Xafiisyo iyo Goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho.

Madaxweynaha ayaa Gudaha Xarunta Waxaa kuso dhoweyey Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Dowlada UK Uqaabilsan Arimaha Afrika Safiirka Dowlada Ingriiska u fadhiya Soomaaliya iyo Sarakiil Kala Duwan.

Soo Dhoweyn ka dib madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa kormeerey qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan Waxana uu Bogaadiyey Sarakiisha Dowlada UK Sida ay Marwaliba ugarab tagan yiihin Sidii Dowlada Soomaaliyeed ay u heli lahayd Ciidamo Tayaysan oo la wareega Amniga Guud Deegaanadda Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Lafta gareen Ayaa Madaxda kala Hadlay Sidii Kaalintooda ku aadan Xoreynta Gobolada Koonfur Galbeed uga gaysan lahayeen, Sidoo kale Lafta gareen  ayaa Madaxda kala Hadlay Sidii ay Wax uga Qaban lahayeen Xaaladaha Bini-aadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxda kasocotay Dowlada Ingiriiska ayaa Dhankooda waxa ay Sheegen inay Wadaan Sidii ay usoo Saari lahayeen Macalimiin Soomaali ah oo Tababarta Ciidanka Waxaana ay Carabka ku adkeeyen in Ka UK ahaan ay kaalin Weyn ka geysan Doonan Xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona xusay in Marwaliba muhiimada kowaad ay Siinayaan Arrimaha Bini-aadanimada.