Wasiirka Gashandhiga oo isku sharaxay Gudomiyaha Barlamaanka

Wararka Maanta

Wasiirka difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxmed Mursal Sheekh Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharrax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mursal oo goor dhow saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu leeyahay khibraddeeda, islamarkaana uu kasoo bixi xilkaan.

Waxa uu xildhibaannada golaha shacabka ka dalbaday in codka kalsoonida ah ay siiyaan.

Waxaa soo kordhay musharraxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka, kadib markii uu xilkaasi iska casilay 9-kii bishan, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mursal ayaa la sheegayaa inay gadaal ka riixayaan Kheyre iyo Farmaajo. Waxaana suurtagal ah inuu loolan kulmo xildhibaanada Mucaaradka.