Wasiir Juxaa oo Ruqsad la’aan lahadlay Bbc

Wararka Maanta

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay inuusan fasax u qaadanayn shaqadiisa uuna garanayo wixii uu fasax u raadsanayo iyo waxa kale.

Dowladda Soomaaliya waxay dhawaan soo rogtay amar ku socday wasiirrada oo la xiriira in aysan baraha bulshada u adeegsan inay ku faafiyaan wararka la xiriira shaqada dawladda fasax la’aan.

Waxaa kale oo la faray wasiirrada in fasax la’aan aysan warbaahinta la hadlin. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuu u madax banaan yahay oo uusan ruqsad u raadsanayn wixii shaqada la xiriira, oo uu kala yaqaanno waxa uu ruqsad u raadsanayo iyo waxa kale.

“Shaqadayda fasax uma qaadanayo hadii ay tahay wax aan quseyn shaqadeyda ayay tahay tan fasaxa loo qaadanayo waana isticmaalaa baraha bulshada sida  facebook iyo Twitter waan aqaan waxa aan gelinayo.”ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Dhowaan ayaa qaar kamid ah golaha wasiirada waxa ay si kala duwan ugaga hadleen arrimaha ku saabsan dad rayid ah oo lagu diley deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.