Wasiir Beyle Oo Diiday Inuu Hortago Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka.

Wararka Maanta

Ku-simaha Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa diiday in uu tago Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo dhawaan looga yeeray, Wasiir Bayle ayaa sheegay iney ku jiraan qaladaad dhinaca sharciga ah warqada ka soo baxday xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, isagoo tilmaamay in garyaqaanka guud ee dowladda uu la wadaagayo wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu uga soo baahdo.