War-Murtiyeed laga soo saaray gabangabadii Shirkii Madasha Qaran (Sawirro)

Wararka Maanta

War – Murtiyeed
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)
Doorashada 2016
Muqdisho 6-12 Seteembar 2016

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 06 – 12 Seteember 2016 ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.
Kulankan wuxuu dabasocdaa kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho 02-09 Agoosto 2016, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

Kulanka Furitaanka:

Madaxweynha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dardargelinta doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed. wuxuna gaar ahaan ula hadlay Beesha Caalamka ina ay ilaaliyaan ballanqaadyadii taakulaynta fulinta doorashooyinka dadban ee 2016.

Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Middobay; Mr. Michael Keating: oo hadal dheer ka jeediyey furitaanka madasha oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha beesha caalamka.

Arrimaha uu taabtay waxaa ka mid ahaa Dhamaystirka Dhismaha maamul-Goboleedka ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, Geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Arrimaha Doorashooyinka Dadban iyo arimmaha amniga. Wuxuuna mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

Madasha Hogaanka Qaran waxay guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ku bogaadisay horumarka laga gaaray u diyaar-garowga loogu jiro geedi-socodka doorasho ee 2016, oo ay ka mid yihiin kulammada u billowday odayaal dhaqameedka oo looga arrinsanayo diyaarinta ergooyinka doorashada dadban ee u codayn doona kuraasta 275 ta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Daahfurnaanta geedi-socodka doorashada

Madashu waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii ahaa in geedisocodka doorashooyinka uu noqdo mid daah-furan, laguna kalsoonaan karo. Si taas loo helona, madaxda MHQ waxay hoosta ka xariiqeen in aanay jiiri doonin isbedel lagu samayo mabaadii’da asaasiga ah iyo hanaanka geedi-socodka doorashada. Madaxda Madashu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta dadweynaha iyo war-gelintooda, waxayna ugu baaqeen GFHDD inay si dhakhso leh u qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ee ku aadan hawshan.

Xubin kasta oo kamid ah MHQ wuxuu saxiixay xeerka anshaxa loo dejiyay ilaalinta daahfurnaanta, hufnaanta iyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dadban. Madashu waxay ku boorrisay dhammaan musharaxiinta u tartamaysa kuraasta Baarlamaanka iyo Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka inay saxiixaan xeer-anshaxeedkan. GFHDD waxaa loo xilsaaray inuu xaqiijiyo in musharrax kasta oo u tartamaya Aqallada Baarlamanka in arjigiisa ku lifaaqan yahay xeer-anshaxeedkan oo saxiixan.

Madashu waxay mar kale ku celisay ballan-qaadkeedii ahaa in xubno iyo hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ahba awood loo siiyo inay goobjoog ka noqdaan oo ay u kuurgalaan geeddsocodka doorashada. Guddiga GFHDD ayaa loo xilsaaray inuu degdeg uga hawlgalo dhammaystiridda habraacyada iyo xeerarka khuseeya arrinkaas, marti-qaadna loo fidinayo xubnaha iyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah, loona dhamaystiro arrimaha maamuleed ee la xiriira goobjoogenimadooda.

Miisaniyaadda Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.

Madaxda Kulankoodi 6da Seteemabr 2016 waxay welwel ka muujiyeen maalgelinta miisaaniyadda lagu fulinaayo doorashooyinka dadban ee Golayaasha Sharcidejinta Qaranka, dareenkaas oo keenay (b) in miisaaniyadda qarnka ee 2016 oo aan ku jirin Madax-xige loogu qoondeeyey fulinta Doorashooyinka, iyo (t) ayadoo si cad ayna u muuqan sida loo heli doono qoondaha taakulaynta dhaqaale laga filanayo deeq-bixiyeyaasha beesha caalamka. Saa daraadee Madashu waxay guddonsatay:

In ay muhiim tahay in doorashooyinka lagu fuliyo waqtiga loo qorsheeyey. Saa daraadeena in Madashu ka go’an tahay in mar kale ay u xaqiijiso dadweynaha Soomaaliya in: (b) in doorashooyinka lagu fulin doono muddada u qorsheysan Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal uu dadweynaha usoo bandhigay; iyo (t) in hirgelinta doorashooyinku tahay mas’uuliyad wadareed oo muwaaddin kastaba waajib ku ah inuu habsami uga hawlgalo.

Inkasta oo ay Madaxda Madashu ku rajo weyn yihiin in Beesha Caalamku siday u ballanqaadeen ku fulin doonaan taakulada dhaqaale lagu maamuli doono doorashooyinka, hadana xubnaha Madashu waxay isla meeldhigeen in Dawladda Dhexe ee Federaalka iyo Dawladaha Goboleed ee Soomaaliya, hadba intii suurtogal ah ay ayaga Soomaali ahaan isugu tashadaan maalgelinta miisaaniyadda lagu fulinaayo doorashooyinka dadban;

Madashu waxay soo dhoweysay dib-u-eegista ay Xukuumadda Federaalka ku samaysay miisaaniyadda 2016, kuna dartay madax-xigaha u gaar ah, oo laga bixiyo kharajka lagu maamulayo Doorashooyinka dadban ee 2016. Si kabka miisaaniyadda doorashadu u dhammaystiranto, Madashu waxay R/Wasaaraha u xilsaartay in uu Beesha Caalamka ku dabagalo soo siideynta dhaqaalaha ay horey u ballanqaadeen in lagu fuliyo doorashooyinka.

Arrimaha la xiriira maaraynta Doorashooyinka iyo Odayaal Dhaqameedka

Madashu waxay mar kale caddeyneysaa in Odayaal dhaqameedka 135 ee 2012 ay yihiin saldhigga liiska Odayaal-Dhaqameedka ka hawlgalaya arrimaha doorashooyinka dadban ee 2016. Waxaa sidoo kale liiska asalka ah lagu daray duubkii lagu soo beddelo duub geeriyooday. Kulanka Madashu Ka dib markii uu qaddariyey nuxurka soo jeedimaha Guddiga GFHDD ee ku saabsan arrimaha odayaal dhaqameedka iyo maaraynta doorashada dadban waxay gudoomisay:

In Odey Dhaqameed kamid ah duubabka 135 ta oo Kuraasta Beeshiisu kala taallo degaan-doorasho kala duwan, wuxuu wax ka dhisaya kuraasta taalla degaanka uu deggan yahay oo keliya. Kuraasta kale ee la dhigay degaan doorasho ka baxsan degaankiisa, wuxuu u wakiilanaya nabad-doonka ama Nabad-doonada Jifada kuraasta leh, oo wax kasoo dhisay maamul-Goboleedyada jira iyo kuwa hadda dhismaya, ayadoo maamul goboleedyada iyo GDGHDD ay xaqiijinayaan.

Madashu waxay ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha Xawaadle uga jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135 ta, maadaama ay beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas.

Oday-dhaqameedkii tagi waaya Xarumaha Degaan-Doorashooyinka ay ka socdaan hawlaha doorashooyinka kuraasta beeshiisa, ama wakil u sameeyo ama soo gudbin waaya Ergada Doorashada xilligii loo qabtay, waxaa arrinta la wareegaya Guddiga GDGHDD, Maamulka Dawlad-Goboleedda kursigu yaallo iyagoo kulminaya odayaasha beesha kursiga iska leh, si ay usoo xushaan (5) nabadoon oo mid horjooge yahay, si ay beeshaas ergada ugu soo xulaan;

Beelaha kuraas ku leh Baarlamaanka Federaalka aanse Oday ku laheyn Odey dhaqameedyada 135-ta oo ay 2012 kuraastoodu u saxiixeen odayaal dhaqameed beelo kale ah, kursigaas ergooyinkiisa waxaa qoraaya odaygi kursigaas hore u saxiixay, asagoo wada tashi buuxa la samaynaya odayaasha beesha kursiga xaqa u leh, ayadoo Maamulka Dawlad Goboleedka iyo Guddiga GDGHDD ay xaqiijinayaan;

Xaqiijinta Qoondada Haweenka

Si loo xaqiijiyo qoondaha kuraasta haweenku ku yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Madashu waxay guddoomisay in:

Beeshii Golaha Shacabka ku leh sadax (3) kursi waa in uu midkood ahaado kursi haweenka reerkaas keliya ku tartamaan;

Sidoo kale, Beelaha kale oo bah ahaan isu xiga waxaa kuraastooda laysugu celcelinaya sida ay isu xigaan oo ay isu leeyihiin, ka dibna saddexdii kursiba waxaa laga doonaya in laga soo saaro hal kursi oo ay haweenka keliya ku tartamaan;

Beelihii diida soo bandhigidda kursiga haweenka, kuraasta beelahaasi waa la laalaya illaa iyo inta Guddiga GDHDD iyo Dawlad-Goboleedka ay go’aan kama dambays ah ka gaarayaan kursigaas.

Arrinta Aqalka Sare,Madashu iyadoo milicsanaysa go’aankeedii hore ee ku saabsanaayaa qoondada haweenka ee aqalka sare, waxay Madashu oo ay isku raacday in Madaxweyne kasta ee dowlad-goboleed uu soo magacaabo xubnaha u tartamaya Aqalka Sare iyadoo la suurto gelinayo in saddex kamid ah kuraasta dowlad-goboleed kasta ee federaal ah, kuwa jira iyo kuwa samaysmayaba, ay u tartamaan oo kaliya haween. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dooroshooyinka Dadban (GXKHDD)
Madashu intii uu socday kulenkeedan 6-12 Seteembar 2016 waxay ansixisay waajibaadka iyo awoodaha Guddiiga Xallinta khilaafaadka, waxaana isla markaas la dhisay lana ansixiyey xubnaha Guddiga.

Arrimaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe:

Madashu waxay mar kale ugu baaqeysaa muwaaddiniinta deggan Gobollada Shabelellada Dhexe iyo Hiiraan in ay wadajir, midnimo iyo daris wanaag muujiyaan oo ay sida ugu fudud uguna dhakhsiyaha badan usoo dhistaan Maamul Goboleedkooda. Sidoo kale Xukuumadda Federaalka waxaa loo xilsaaray in wixii tas-hiilaad ah ee loo baahan yahay ay u fidiso abaabulka iyo fulinta dhismaha Maamul-Goboleedka, arrimaha la xiriira doorashooyinkana go’aan kama danbays ah ka gaarto.

Arrimaha Aqalka Sare

Madashu Ka dib markii aragtay cabashooyinka badan ee ka imanaya qaybaha bulshada soomaaliyeed qaddarisayna muddada kooban ee la haysto in lagu fuliyo doorashooyinka dadban, waxay go’aamisay in tirada kuraasta Aqalka Sare lagu xaddido konton iyo affar xubnood (54) sida waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo heshiiskii Madahsha ee12 Abriil 2016.

Guntanka fadhiga iyo codeynta ergada: Madashu waxay go’aamisay in

Guntanka fadhiga codeynta ergada oo ka kooban 51 xubnooda wuxuu ku ansaxaya markii ay goobjoog yihiin oo ay codeeynayaan ugu yaraan 41 xubnood, oo u dhiganta 80% tirade guud ee ergada;
Madax-dhaqameedka beesha haddii uusan isaga iskiisa uga tanaasulin am cid kale ugu wakiilan, kama reebanna in uu ka mid noqdo ergada beeshiisa codna ku yeesho.

Madashu ayadoo aqoonsan in loo baahana yahay in doorashooyinka tooska ah ee la filayo in la qabto 2020 noqdaan gundhig si adag dhidibbada u aasaya dimoqdraadiyeynta dalka, waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka in taageero isla garab taagto Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qoranka.

Arrimaha Amniga

Madashu si qota dheer ayey uga wada hadashay layslana meel-dhigay sugidda amniga dalka guud ahaan iyo sugudda amniga doorashooyinka gaar ahaan;

Madashu waxay kaloo guddoomisay in la dhiso Guddiga Amniga Qaranka oo ka kooban; Madaxweynaha Jumhuuriyadda oo Guddoominaaya ayna ka mid yihiin: Guddoomiyaha Golaha Shacabka, R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlada Goboleedyada, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Amniga, Caddaaladda, Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.

Waxaa kaloo la go’aamiyey in Guddiga Amniga Qaranka yeesho Xoghayn Khibrad u leh Aminiga oo uu hoggaaminayo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada;

————————————————–Dhamaad-————————————————

shirkii-madasha1 shirkii-madasha2 shirkii-madasha3 shirkii-madasha4 shirki-madasha

Tagged

Comments are closed.