Waare, Qoorqoor iyo Laftagareen oo shir gaar ah ku yeelanaya Baydhabo

Wararka Maanta

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed, halkaasoo shir wadatashi ah ay ku yeelanayaan saddexdan Maamul (Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle) ee lagu tiriyo inay gacan saar la leeyihiin dowladda Federaalka.

Qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka socota magaalada Baydhabo. Safarka Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ku tagayaan baydhabo ayaa ku soo aaday, iyadoo laga sugayay magaalada Muqdisho, waxaana muuqata inay ka caga jiidayaan imaanshahooda Caasimadda oo ay ku sugan yihiin Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ay shirkooda uga hadlayaan sidii loo adkeyn lahaa qodobadii shirkii Dhuusamareeb, kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dib loogu noqonayo.

Wararka ayaa sheegaya inay shirka Baydhabo kaddib ay Muqdisho soo aadi doonaan, si ay qeyb uga noqdaan shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo weli u qabsoomi la’ shuruudo ay ka mid tahay in maamul goboleedyada ka maqan ay ku soo biiraan.

Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa la sheegay inuu dhowaan la xiriiray maamul goboleedyada maqan, isagoo ku qanciyay inay ka soo qeyb galaan shirka Muqdisho, si uu u noqdo shir loo dhan yahay, isagoo ammaanay doorkii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ka qaatay shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxtooyada Villa Somalia oo la filayay in martiqaad rasmi ah u dirto ayaa ka gaabsatay, inkastoo siyaabo kala duwan ula xiriirtay, si ay shirka uga soo qeyb galaan.

Xigasho: Jowhar.com