Ugaaska Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka hadlay Xaalada Jahwareersan ee Dalka

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

XAALADA DALKU UU KUJIRO:-
Marka aad ka eegto dhan kasta marxaladda uu dalkeenu ku jiro, waa mid rajo aad u balaaran laqabo ayna socdaan mashaariic horumarineed hadana waxaa kuusoo baxaysa in eynaan sidi la rabay ama shacabku rabi lahaayeen aanan loo wajahin xaaladaha qaar, tusaale ahaan;

  1. mooshinka: mooshinka waxay ahayd in wax lagu saxo lkn waxaa lagadhigay mashruuc malaayiin dollar lagu bixiyo.
    2- Dhacdadii maalmahaan qabsatay maskaxda dadka soomaaliyeed ee ahayd in kenya darbi ka dhiseyso xuduuda kala baraysa labada dal, taaso aan ogsoonnahay in dhul & dadba ay nooga maqanyihiin meesha derbiga laga dhisayo ka shishay (NFD) dhulkaas oo weli go’aan sax laga wada gaarin in maantay beled xaawo gorgortan gasho waa nasiib xumo. hadane aynaan dowladdu si karti iyo ad adeeg ku jirto aynan u wajahin.
    3-Arintii gilgishay madaxbanaanida Dalkeena ee aheyd qadiyada Berbera; inkasto dhexdeenu khilaaf ka jiro hadane guud ahaan dalka soomaaliyeed waxaa mas’uul ka ah Dowladda federaalka soomaliya ee hogaamiye ka yahay madaxweyne Maxamed cabdulaahi farmaajo, iyadoo laga rabay in ey so marto hay’adaha Dastuuriga ee dowladda haddi ay dalkaan maalgashaneyso, hadana falcelintii ay dowladdenu ka sameysay arrinka waxaa larabay ineey mid adag noqoto, wallow hadda dacwad ka dhan ah loo gudbiyay ‘jaamacadda carabta’.
    4-Kaba sii darane degmo hoos timaadda gobalka Baay oo la dhaho “Aatto” ayaa waxa ka dhacday arrin la yaab leh marki calanka itoobiya laga taagay loona soo magacaabay gudoomiye, majirto illaa iyo hadda cid ka hadashay oo ka tirsan dowladda amaba maamulka KG.
    5- intaas iyo inkale oo badan oo anan xusin annagoo la daala dhaceyno ayaa waxaa nala soo darsay, cirbad la’isku darayo oo la leeyahay HIV/AIDS ayaa lagu faafinaaya, iyo sun lagu buufinayo shacabki, xitaa kuwi iska wax u qabso jidadka ugu xaaqayay, (Yaab) Hay’adihi dowladda ee ku shaqada lahaa baraamijyada nuucaan ah illaa iyo hadda hadal lagama hayo.
    =Intaaso dhacdo marka aad goobjoog u tahay, mararka qaar uu shaki kaa gelayo in aan dal madax bannaan nahay iyo inkale??, iyo mar aad kaligaa ciishootid hadane ay iska yartahay waxa aad ka qaban karto dhacdooyinkaas waxa kaliya ee kuuso baxaya ayaa ah “Aan ooye Albaabka ii xira”.
    BAAQA DHALINYARADA:
    Dowlada soomaaliya iyo hey adaha kale ee ka madaxa banaan waxaan ugu baqeynaa:-
  2. Ineey dajiyaan xaalada siyaasadeed ee dalka fiirshaana masiirka umadeena.
  3. Ineey warbixino cad cad kasoosaaraan xadgudubyada dhinacyada xuduudaha iyo maalgashiga ee kasocda dalka
  4. In la garab istaago shacabka baladxaawo loona tago.
  5. dardargalinta mashaariicdii xukuumadu waday, si shacabku u niyad jabin.
  6. In la xoojiyo dadaaladii lagu soo deynayey maxaabiista dhalinyarada ubadan ee siyaabaha kala duwan ugu xiran wadamada caalamka.
    FG. dhalinyarada soomaaliyeed indhaha kama laaban doonaan xaalada jahawareerka ah ee dalku kujiro.

W/Qorey: C/salaan Garcadde

Ugaaska Dhalinyarada Soomaaliyeed