U Gabara Deegaan Dhan | Qeybta 23aad

SHEEKOOYIN Wararka Maanta

Yuusuf dhowrkii daqiiqo oo u danbaysay wuu dareemayay in uu qofi daba socdo, laakiin xiisaha uu u qabo Muno aragtideeda bay u egtahay in ay dhiifoonaantii ka qaaday.

Mar uu gurigu u jiro dhowr tilaabo buu si kedis ah hadana gadaal u eegay. Wuxuu arkay ninkii Suuqa Bakaaraha daba socday oo wali la socda. Ninku markuu arkay Yuusuf oo soo eegaya buu inta ku naxay, si lama filaan ah u istaagay isagoo meel kale is moogaysiin u eegaya, madaxana xogxoganaya.

Yuusuf isagoon istaagin, oodna moodo in uusan Carabeey u jeedin buu gurigii Nimco dalakh yiri.

Carabeey markiiba waxaa u cadaatay in uusan Yuusuf u jeedin. Isagoo faraxsan oo nin shaqo fiican qabtay iska dhigaya buu gurigii Nimco inta hor istaagay, jiingadu meesha ay ka dulduleesho ka eegay reerkii islaameed si uu u hubiyo Muno joogisteeda. Wuxuu isha ku dhuftay Muno oo inta soo oroday Yuusuf xabadka galisay, farxadda ka muuqatana aanan lasoo koobi karin.

Carabeey waa soo kala jiireeyay oo toos usoo abaaray halkii uu gaarigiisii uga soo tagay, kadibna toos gurigii Ree Xiranana usii aaday. Qanacsanaanta uu ku qabo shaqada uu qabtay wuxuu bilaabay lacagta uu Cabdi Xiirane ka qaadi doono tirinteeda, iyo waxa uu ku qabsan doono ka fekeristeeda.

Iyadoo la tuktukanayo buu gurigii ree Xiirane irida kasoo galay. Salaad uusan waayahaan tukan buu inta weyseystay, Ciise Timajilic oo ataxiyaadkii u danbeeyay u fadhiya salli aad u yar uu ku tukanayay la cariirsaday.

Salaaddii markii laga baxay buu taleefankii reerka ka wacday Cabdi Xiirane, una sheegay in uu soo dheereyo. Wuxuu rabaa in fiidnimaba Muno loogu tago halka ay fadhiso, wuxuu rabaa inta sheekadu xiiso leedahay in uu Cabdi Xiirane lacagtiisa ka qaato.

Intii odogu uu jidka ku soo jiray buu Carabeey ciddii faan iyo faataa baabah uga dhigay. Qaabkii uu kusoo helay Muno buu uga sheekeynayaa isagoo sharaxaad iyo been kale ku daraya, oo iska dhigaya nin taatiko militari, uu magacyo kala duwan ku sheegayo, isticmaalay.

Cabdi Xiirane tukaankiisii cid uu uga tago wuu waayay, waligiisna xilli hore ma xirin, maantase waxaad moodaa in uu ku qasbanaaday. Tukaankii laba quful kaliya buu ku dhajiyay halka awal lix quful iyo silsilado lagu xir xiri jiray. Isagoo ganmaya buu gurigii yimid, oo kasoo dul dhacay Carabeey oo iska daba wareegaya sidii nin xanaaqsan oo laga soo daahay.

“Cabdi waa ku see?” buu hadal ka bilaabay. “Maxaad kusoo raagtay? Anigu nin militiri ah baan ahay, ma jecli habacsanaanta ee na keen hadeer inta saantu qoyantahay” buu Cabdi Xiirane ku yiri, isagoon hadalkii kala joojinna weydiistay in uu lacagtiisii siiyo maadaama shaqadii loo diray uu kasoo baxay.

“Waryaa iga daa shuqul muqalaseedka aad wadid” buu Cabdi Xiirane ku jawaabay, una sheegay in uu lacagtiisa leeyahay isla caawaba haddii uu isaga indhihiisa kusoo arko Muno halka ay joogto.


Yuusuf iyo Muno waxay isla qoslaanba, casharadii aqriskoodii bay u dhaceen. Imtixaan yar uu Muno ka qaaday, oo ku saabsanaa dhowrkii cashar uu horay ugu celiyay, bay si heer sare ah uga soo baxday. “Bisinka anigii wax kuu dhigayay baadba iiga sii aqoon badantahaye waa maxay” buu si filanwaa ah u yiri.
“Guri qabow habeen, iyo kuleel maalin u dhaxeeya, boqol naagood oo shaqada ay qabtaan uu Rabi kaliya ogyahay ay kula jiiftaan, usbuuc kaalay joog adigaaba buugaagta dhan sidii faataxadii korka uga xifdin lahaaye” bay ku kaftantay.

Yuusuf laftiisa dan weyn baa ugu jirta casharadaan uu galab kasta Muno ugu celinayo. Xiligii uu sheekada iyo banooniga ku bixin jiray, buu hadeer wax aqris ku bixiyaa.

Maqribkii markii uu soo dhawaaday buu Muno u sheegay in ay alaabteeda soo aruursato, uu isagu meel geeyn doono.

Muno ooy degdeg iyo layaab ku noqotay baa iyadoo wax ay sheegto garan weysan, shigshig aanan lagu aqoonna bilawday tiri “ma maxaad ka hadlaysaa aboowe?” oo intuusan hadlin tiri “arintaan sootaan ka wada hadalnay?”.

“Waa runtaa waan ka wada hadalnay, waana ogahay in aad ku qasbantahay gurigaan joogistiisa, laakiin masii joogi kartid oo galabta baa nin aan ka shakiyay arkay. Markii hore Bakaaraha anigoo soo maraya baan u jeeday, oo kama aanan shakin, hadana markii aan gurigaan soo galayay baan arkay isagoo wali i daba socda, oo markii aan u jeeday buu inta istaagay meel been ah fiiriyay isagoo madaxa, sidii in aanan la fahmayn, xoganaya. Bal maa iska socdo anigaaba fahmi weyn lahaaye!”.

Muno wax ay sheegto bay garan weysantahay, oo eegmo kaliya baa kasoo hartay. Yuusuf baa hadalkiisii sii watay oo u sheegay in ay isla cawaba soo raadinayaan Ree Xiirane. Haddii aysan hadeer isaga raacinna ay fashilmi doonto, dhibkii soo maray oo dhanna uu hal bacaad lagu lisay noqon doono.

Muno isla hadal bay gashay oo maqana jooge noqotay. Yuusuf oo hadlaya bay kaligeed riyo maalmeed gashay. Su’aalo badan baa madaxeeda ka guuxaya sida -Yuusuf muxuu isku qarin waayay, oo hadba luuq usoo mari waayay isagoo hadba gadaal eegaya? Hadeer halkeen aadaa guriga Yuusuf illeen ma tagi karoo waa ceebe?.

Yuusuf markuu arkay in ay feker la fooftay, buu inta istaagay dhowrkeedii shay ee gurigaan u yiilay bacihii isagu laftiisa uu alaabta ku keenay ku guray. Inta gacanta qabtayna yiri “na keen inta aanan nalku kor imaan”.

Markii ay su’aal kale oo afkeeda kasoo baxda garan weysay, bay tiri “halkeen aadnaa?”. “Guriga fatxi baan aadaynaa ee na keen, meeshaan lee aan mar kaa wadee”, buu ugu jawaabay.

Yuusuf wuu dareemay in Carabeey uu isaga daba socday, oo Bakaaraha illaa iyo Boondheere dhowr jeer uu isha ku dhuftay buu aad uga sii shakiyay. Si uu u hubiyo buu hadba u socod dheereynayay, taas oo Carabeey kasoo ordi siinaysay, hadana wuu u socod gaabinayay taas oo iyana in uu socod gaabiyo ku qasbaysay. Bakaaraha dhexdiisa buu luuqba mar ka dusiyay. Boosteejada gawaarida Itoobiya aadda ay ka baxdo, buu inta ku leexday wax yar dallaaleydii gawaarida raraysay la hadlay, Carabeey oo inta tukaan meesha ku yiillay isku aadiyay toos u eegaya.

Markay u cadaatay in uu isaga daba socdo, buu ku fekeray in uu habaajiyo, meela qaldanna mariyo, isagoon Muno u taginna uu gurigiisii isaga laabto. Guriga Nimco kahasho uu ka qabay baase tusisay in Carabeey gaatankiisu ay fursad tahay, oo si ku talo gal ah buu guriga Nimco toos ugu aaday, Yuusuf oo militeri isku sheega, in uu gaatamaya isku heysta, isagoon iska warqabin ku danaysanaya.

Muno iyo bac dharkeedii ay ku jiraan isagoo laba gacmood ku kala haya buu qolkii bul kasoo yiri oo Nimcoo deydka taagnayd u sheegay in Muno ay Itoobiya u baxayso isla caawaba, oo gaari labaatan daqiiqo kadib dhaqaayaya ay fuulayso, una idmay in ay gogosha cusub ee Muno ay ka tagayso iyadu qaadato. Nimco oo filanweysan, ogna in ay u xiisi doonto Muno baa inta kusoo booday oo hab siisay “macsalaama” ku tiri iyadoo illini ay ka difqayso.

Lug bay ugu jiideen, oo Boondheere dhanka Xamar Weyne uga bexeen. Waxay sii kufkufaanba, iyagoo cabsanaya oo mugdiga magaalada, tuukada habeenkii wax isbaaraysata iyo ciyaal suuq caadi ahba ka baqaya bay dhanka dekedda oo aad cidlo u ah ka duseen.

Sidii dagaaladu u dhaceenba, dhankaan magaaladu habeen iyo maalinba waa ka cidlo. Waa wada guri fiiqan, bakhaar waa hore alaabtii looga qaxay laga bililiqeystay oo haawanaya iyo jidad geed jinni uu si ba’an uu uga baxay. Maadaama dhankaan magaaladu ay awalba dhul ganacsi iyo shirkado shisheeye ay daganaan jireen, hadeerna ay noqotay dhul dhinacyada magaalada isku dirirsan u dhaxeeya, dadka kaliya ay anfacday waa tuugo inta magaalada hanti kasoo booba kusoo dhuunta. Yuusuf iyo Muno cabsi darteed toban jeer buu mid walba ka shalaayay waxa ay halkaan kasoo dooneen.

Saacad kadib bay xaafadda Taleex soo galeen. Muno oo nafistay markii ay xaafad caadi ah oo la daganyahay soo gashay, markii ugu horeysayna hadeer uun hadashay, rabtana in ay wax ka ogaato meesha uu Yuusuf u wado, oonan sifiican weli loogu sheegin, baa tiri “Fatxi waa tuma?”

Fatxi Daahir Cumar waa Yuusuf ina adeertiis, uu dhalay adeerkiis Daahir Cumar, oo ah da’dii aabihiis Warfaa Cumar ka weyneyd. Fatxi waa shan iyo labaatan jir. Waa xaas cusub oonan weli caruur yeelan. Waa umuliso isbitaal biribaati ah ka shaqaysa. Xaafadda Taleex bay iyada iyo odageeda, Ashkir, soo degeen dhowr bilood ka hor. Ashkir oo ah ganacsade liinta dhoofiya wuxuu ku maqnaa magaalada Dubaay ee dalka imaaraatka tobankii maalmood ee u danbaysay, oo Fatxi gurigaan weyn bay ku cidloonaysay.

Fatxi iyo Yuusuf walaalnimada ka sokow waa saaxiibo aad isku fahma. Waa isku sheeko sirta isku qarsada. Markii Ashkir uu soo doontay, iyadoo loo diidanyahay maadaama nin wax bartay uusan ahayn, Yuusuf buu ahaa qofkii in dadkaan la isi siiyo u olo oleeyay. Fatxi markasta aragtida Yuusuf aad bay ugu faraxdaa, oo waa jeclaan lahayd in uu Jimco kasta lasoo qadeeyo. Inkastoo taas aysan suuragal ahayn, hadana Yuusuf wuxuu ku dadaalaa in uu ugu yaraan bishii hal jeer uu lasoo qadeeyo.

Yuusuf inta uu Muno uga sheekeynayo Fatxi, waxay hadba hor marayaan guri filla ah oo dhowr qofi ay ku hor fiidsanayaan. Markii ay is leedahay gurigaan baad gali doontaanba wuu sii gudbiyaa illaa uu marki danbe soo hor istaajiyay guri u dhismo eg kii Muno reerkooda oo kale. Xaafadaan Taleex oo ah xaafadihii hore ee Magaalada Muqdisho baa guryaheedu qurux badanyihiin isla markaana duq yihiin. In fillo tiibo jarmaani ah ay ku taalo Taleex waa dhif, madfacse gurigii hore dumiyay darteed baa guriga Fatxi ay dagantahay tiiba jarmaani looga dhisay.

Albaabkii bay garaaceen in cabaar ah. Fatxi qolkeeda kore bay buug ku aqrisanaysaa oo cid u imaanaysa kama aysan war hayn. Yuusuf oo og in xiligaan oo kale ay guriga joogto baa albaabkii si xoog leh u garaacay. Fatxise wali ma maqlayso. Mar uu quus taaganyahay, in uu albaabka ka boodana u damcayo, buu ku fekeray in uu deriska taleefan weydiisto oo uu Fatxi sidaa ku raadiyo.

“Hello Sucdi” bay Fatxi lasoo booday iyadoo lambarka deriskooda aqoonaysa. “Waa walaalkaa Yuusuf, ee kaalay albaabka naga fur, daalnay sidaan u garaacaynaye” buu ku jawaabay. Fatxi oo farxad meel ay is geyso garan weysan baa iyadoon jawaabin inta jaranjaradii laba laba kasoo dhigtay albaabkii falaq siisay.

Sidii in ay Muno u jeedin bay inta Yuusuf hab siisay isagii kaliya hadal la gashay. Yuusuf oo qoslaya baa yiri “uma jeedid miyaa gabadhaan quruxda badan ee ila socota waa adiga sidii in aan sannado kaa maqnaa igu bururayee?”. “Alla abaayo raali noqo. Sidaan baan noqdaa markaan walaalkay arko” bay ku jawaabtay iyadoo hadeer Muno daan-dhunkasho ku salaamaysa, oo inta hogaamisay labadoodii qolkii fadhiga dhankiisii u dhigtay.

Muno markiiba farxad iyo degenaansho iyadiiba ka yaabiyay baa soo galay. Malaha waa guriga ay soo gashay oo koodii u eg. Malaha waa geedaha sida gurigoodii deydka guriga ka baxaya. Malaha waa nadaafadda iyo quruxda ka muuqata oo qofkii soo galaaba uu jecleysanayo. Malaha waa maqnaashaha gabdhihii guriga Nimco buuxay. Waxay ahaataba, aad bay ugu faraxsantahay in ay guri nin qooqan uusan dhex taagnayn caawa usoo hoyatay.

Fatxi iyadoon fadhiisan bay tiri “cashaan dabka noo saarayaa ee ii sii fadhiista”. Yuusuf ood moodo in uu guriga isagu leeyahay baa yiri “ cashada inta aad karinayso Muno bal qubays sii, dhar ay ku badalatana sii”. Fatxi inta hor kacday Muno bay isku joog cusuboo baati ah siisay, suuli quruxda iyo dhalaalka ka baxaya aad ma dhex seexataa ku qabanaysana geysay.

Muno mar ay soo qubaysatay, baatiga gaduudan ay xirantahay, qubayska iyo leyrka gurigana ay midabkeedii moodid in ay soo ifiyeen bay fadhigii ugu timid Yuusuf oo macawuus qurux badan iyo funaanad xiran, inta muustika macaan daaray, buugaag Fatxi iskifaallaha qolka fadhiga ugu rasaysnayd toos toosinaya.

Qolka fadhiga oo weynan le’eg laba qol, baa qeybna fadhi Talyaani ah, oo nuuca raaxada ah yaalaa, qeybna kuraas qado oo fadhiga caadi ah la midab ah yaalaan. Muno inta galaas biya cad ah, garaafo miiska kuraasta qadada kor saarnayd ka shubatay bay fadhigii caadiga ahaa la aaday.

Mar ay iyada iyo Yuusuf cabaar qolkii marna iska dhex heesayaan, marna sheeko isku gurayaan bay Fatxi usoo gashay oo u sheegtay in cashadii ay soo wado, oo kuraasta qadada soo fadhiistaan. Yuusuf baa yiri “walaalay waa xilli danbee, waan bixi lahaaye maad soo dhaqsatid?”. Fatxi oo qoslaysa baa tiri “beri waa Qamiis oo iskuul ma lihid, caawa halkaan baad seexanaysaa oo waad na wehlinaysaa, Munana waad iskeen baraysaa” intuusan hadal kale gelin bay inta hadana qaadatay tiri “reerkii waan wacay. Adeer Warfaa oo taleefanka iga qabtay baan u sheegay in aad caawa ila seexanaysid, isna wuu ogolaaday ee dhulkaaga dhab dheh”.

Yuusuf oo iska dhigaya in uu joogista diidanyahay, kuse faraxsan, baa markuu cabaar yuusay iska ogolaaday. Isbarasho, qosol iyo sheeko bay waagii ugu cadeeyeen. Muno iyo Fatxi waxay isugu baxday sidii dad weligood is yiqiinay. Labadoodu si fician bay isku fahmeen, sababtoo ah waa laba qofood oo isku mid ah. Labadaba reerahooda iyagaa yaraan u ah. Labadaba sifiican baa wax loo baray. Labadooda waa dad asluub leh, xishooda diintana aad ugu fiican.

Muno culayskii ka hayay reerkeeda kasoo maqnaantooda iyo cabsidii iyo welwelkii hayay intii ay guriga Nimco ku noolayd hal mar bay daaqada ka baxeen. Markii ugu horaysay bay sideed saacadood oo hurdo ah heshay. Kaligeed baa la dajiyay qol sariir weyni taalo, daaqadna leh ooy layr macaan ka heshay. Suuli danbe ooy Nimco iyo kooxdeedii la wadaagayso lama arkoo qolkeeda ayay mid dhalaal indhaha kaala baxaysa ugu taallaa.

Maalinkii Qamiista ahaa oo dhan waa mar ay cuntaynayaan, mar ay wax aqrisanayaan, illeen buugaagtii iskuulka horay bay u wateene, iyo mar ay sheekeysanayaan. “Alla in aad sadexdiina kaliya, weligiin gurigaan degentihiin fiicnaan lahaydaa” buu Yuusuf hoos iska leeyahay. Caruur buuqeed lama arko, hooyo iyo aabe dadka qashqashaadaya lama arko, macaantadiis iyo walaalihiis qofkii uu u jeclaa buu la joogaa.

Fatxi waxay soo jeedisay, maadaama wax ka baaqanaya uusan lahayn, in Yuusuf uu la joogo caawana, Jimcaha galabkiina uu ka tago. Yuusufna is micnayn kadib wuu aqbalay. Ma isagaa diidi kara! In caawana seexo la yiraahdo buuba maantoo dhan ku ducaysanayaye.


Carabeey oo Cabdi Xiirane iyo Ciise hogaaminaya baa Boondheere sii istaagay todobadii fiidnimo. Gurigii Nimco oo furan bay iyagoon hoodi dhihin dalakh yiraahdeen. “Xoog iyo xargo badaninaa, gabar islaameed baan sidaan oo dhan u ceyrsanaynaa” buu Ciise iskula yaabay, isagood moodid in qaladkoodu uu hadeer uun u ifay.

“Soo saara naagta” buu Cabdi Xiirane Nimcoo soo aaday ku yiri. “Naagtee?” bay Nimco ku jawaabtay iyadoo cabsi la gariiraysa isnana leh “naagihii gurigaaga joogay baa malaha wiilkaan la wado saqiir suujiyay”. “Waan ognahay in Muno ay halkaan joogto ee soo saara” buu hadana yiri. Nimco oo markaan nafisaad la neefsanaysa baa tiri “Muno waa naga taagtay wax yar ka hor”
“Halkee aaday?” buu si dulqaad la’aan ah ugu soo hadal celiyay.
“Itoobiya baan aadayaa bay igu tiri. Siday sheegeysana markaan gaarigii waaba dhaqaaqay” bay Nimco tiri.

Carabeey baa hadalkii qaatoo Nimco ku raacay hadalkeedii “galaabta markaan Bakaaraha Yuusuf soo daba socday, buu boosteejada gawaarida Itoobiya aada ay ka baxaan inta ku leexday, la hadlay nin meesha taagnaa oon dalaal jeclahay in uu ahaa. Na keena gaarigu hadduu baxayna meel fog ma gaarine” inta yiri buu albaabkii u hor kacay Ciise iyo aabihiis.

Gaarigoodii bay inta ku dhaceen isku sii daayeen boosteejadii. Gawaarileydii kale baa u sheegtay in gaariga ay raadinayaan uu dhowr daqiiqo sii maqanyahay. Iyagoo markaan is leh Muno hadeer baad gaariga ay ku dhuumatay kasoo degsanaysaan bay dhankii lagu sheegay in uu gaarigu aaday uga daba sheelaraysteen. Yaa u sheega in Yuusuf uu u beenguuray. Yaa u sheega in aysan Muno caawa iyo habeen danbe midna soo heli doonin.


LA SOCO QEYBTA 24AAD

Tagged