Taliska Booliska Shabeelada Dhexe oo Soo Bandhigay eedaymo loo Haysto Wariye Shaashaa

Wararka Maanta

Taliyaha ciidamada Booliska Qeybta gobolka Sh/dhexe Col Aadan Yarow Xuseen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xariga weriye  Cabdishakuur Shaashaa oo maalintii tobanaad ku xiran saldhigga Booliska Degmada Jowhar.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay saldhigga booliska degmada Jowhar Col Aadan Yarow Xuseen ayaa ku sheegay in weriye Cabdishakur Shaashaa uusan u xirneyn arrimo saxaafadeed ama weriyanimo balse uu u xiran yahay lacag uu ku lunsaday magaca ummada Soomaaliyeed.

“Dhacdadii Soomaali badan ay waxyeelo ka soo gaartay ee ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii Oktoobar 2017 ayuu baroordiiq  u sameeyey Shaashaa dhalinyaro ayuu madaxa calaamad cas ugu soo xirey,mana jirin cid ka warqabtay  oo ka socda guddiga abaaraha,nabadgelyada iyo Booliskaba.”ayuu yiri taliyaha qeybta Sh/dhexe Col Aadan Yarow.

“lacagtii uu ummada Soomaaliyeed ka soo ururiyay cid uu ku wareejiyay ma jirto,ummada Soomaaliyeed magaceeda uu ku soo qaaday gurigiisa ayuuna geystey,”ayuu sii raaciyay.

Taliyiaha qeybta Booliska ayaa ugu dambeyntii sheegay in baaritaan ay ku hayaan ciidamada Booliska dhowaana ay maxkamad u gudbin doonaan. Waxana uu taliyaha ciidamada Booliska gobolka Sh/dhexe waxa  uu soo bandhigay sawiro ay ka muuqdaan barnaamij uu weriye Shaashaa lacago ugu ururiyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe.

Weriye Cabdishakuur Cabdulaahi Shaashaa ayaa mudadii uu xirnaa waxa soo baxayay baaqyo ku aadan soo deyntiisa.