Soomaaliya Iyo Kaniisadda Katooliga! Waxaa Tarjumay: Cabdicasiis M. Shidane.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Raadiyaha ku hadla codka Dawladda Faatikaanka, oo ah maamulka sare ee Kaniisadda Katooliga, ayaa wuxuu baahiyay wareysi meelo badan taabanaya oo Soomaaliya khuseeya. Wareysiga waxaa lagu sheegay in kaniisad raacsan Mad’habta Kaatooliga laga furay Haegeysa. Waxaa ka soo qeyb galay furitaankeeda wadaadka Kaniisadda Katooliga u qaabilsan dalka Jabuuti iyo dadka kale oo aaminsan diinta Kirishtanka iyo shaqaalaha hey’adda samafalka ah ee loo yaqaan “Caritas” oo ah hey’ad kaniisadda Katooliga hoos tagta, kana shaqeysa goobo badan oo Soomaaliya ka mida.

Mid ka mid ah kuwa fidiya diinta Kirishtanka oo Soomaaliya ku dhawaad 40 sanno ka shaqeynayay ayaa wuxuu si farxadi ku dheehantay uga hadlay furitaanka kaniiisaddaan, oo dib loo furay dhawr bil ka hor. Kaniisaddu sooyaal dheer ayey ku laheyd meesha hadda laga furay. 1950-kii in ey ka furneyd ayuu xusay wadaadku. 1988-dii burbur ku yimid, oo ey xirantay. 1991-dii in ey dad dhismihii is ka dageen. Balse, shaqaalaha ka shaqeeya heyadda samafalka ee la yiraahdo “Caritas” ayaa ku guuleystay in dib loo ga raro dadkii degnaa dhulka kaniisaddu leedahay, horana u keydiyay qalabkii ey ku cibaadeysan jireen masiixiyiintu iyo aqalladii loo gu talagalay wadaadda tujiya Kaniisadda in ey ku hoydaan.

Wuxuu xusay in ey maamulka kala hadleen furitaanka kaniisaddaan yar. Wuxuu kaloo leeyahay waxaa jira dad badan oo aaminsan diinta kirishtanka kuna nool gayiga laga furay kaniisadda iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, mana ahan sida mar walba loo sheego oo ah in ey Soomaalidu muslimiin wada yihiin. Sidoo kale, Muqdisho ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in Alshabaabku ku xoog badan yahay, balse, eysan ka maqneyn xitaa Muqdisho, oo ey hawlo fara badan oo is kugu jira koorsooyin, iyo farsamo gacmeed ey ka dhex wadaan caasimadda Muqdisho.
“Caritas Italiana”, “Missio Italia” e “la Focsiv” waxay ka mid yihiin hey’adaha waaweyn ee qaaradda Afrika ku dhex fidiya dhambaalka Kirishtaameynta, balse, adeegsada shaatiga samafalka iyo hawlaha bini’aadnimada. Waxeyka ka hawlgalaan waqooyiga, bariga, iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Haddaba, Safaaraddii Iiraan dalka laga cirdeey, iyada oo lagu eedeeyay in ey fidineyso mad’habta Shiicada. Hagaag! Aaway Culumadii, siyaasiyiintii, iyo kuwa sheegta garashada, mey wax ka qabtaan mawjaddaan Kirishtaameynta ah ee lagu dhex faafinayo dalka Soomaaliya?!

Inta aan is ku maqannahay innagu, ogaada in nagu la soo maqan yahay. Diin, dhaqan, iyo siyaasad intaba. Waxaa fadeexad ah in ey siyaasiyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyadu ey ogyihiin hawgalladaan ey waddo kaniisadda Katooligu. Wadaadka kirishtanka ah ee wareysiga dhiibay wuxuu sheegay in ey ogalaansho ka heystaan “governo locale” “dawladda maxalliga ah” isaga oo ula jeeda maamulka Soomaalilaan.

Linkigan hoose ka akhri
http://it.radiovaticana.va/…/somalia,_bertin_domani…/1249701

Comments are closed.