Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, Shirkaan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya, waxaana  daahfuray Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed.

Dhalinyaro ka socota gobolada Dalka iyo Caasimadda Muqdisho ayaa ka qeybgalaya, halku dhigga sanadkan ee shirweynaha ayaa ah XOOJINTA KA QEYBGALKA DHALINYARADA SIYAASADDA DALKA.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku matalaya wafti dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Axmed Maxamed Cumar (Caruuse) gudoomiyaha Daladda dhalinyarada Galmudug GYAN.

Dhammaadka Shirweynahan ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo wax ku ool ah. Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa indhaha ku hayo waxa kasoo baxa shirweynahan.