Shirkii Maamul goboleedyada ee Kismaayo oo dib u dhacay

Wararka Maanta

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu martigaliyo Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya, si ay uga arinsadaan xaaladda siyaasadeed ee dalku wajahayo. Shirkaas oo loo madlanaa inuu dhaco maanta oo Arbaco ah ayaa dib u dhacay ilaa maalinta Axadda 8 Bisha Oktoobar.

Sababaha dib u dhigga shirka ayaa lagu sheegay in ay tahay Dowladda federaalka oo isku dayeysa in xakameyso mucaarado kaga timaada maamul goboleedyada, Sidoo Beesha Caalamka ayaa dowladda federaalka ku cadaadinaysa in ay xal u hesho mushkiladda siyasadeed ee ka aloosan Galmudug.

Waxaana Dowladda dhexe qorsheynaysaa in wafdi Balaaran oo isugu jira Mucaarad iyo Muxaafid u soo dirto Galmudug si ay xal uga gaaraan khilaafka Siyaasadeed Galmudug. Dowladda federaalka ayaa Waji gabax kala kulantay diidmada ay kala horyimaadeen Maamul goboleedyadu, waxaana sidoo kale Xoogeystay mucaaradada dowladda, iyadoo siyaasiyiin qaar qalqaalo ugu jiraan in Madaxda Federaalka xilka laga qaado.

Tagged