Shirka iskaashiga jubaland iyo Puntland oo boosaaso ka furmay

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Kismaayo Shirka Iskaashiga dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan oo quseeya labada dowlad goboleed iyo arrimo kale.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa si wadajir ah shirka uga furay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in looga dhawaaqo dhismaha Guddi labo dowlad goboleed oo ka shaqeeya sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa qeyb ka mid ah xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jiray labadii sano ee u dambeeyay, mana jirin xal loo helay, iyadoo uu hakaday wada shaqeyntii dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Dowlad goboleedka Puntland iyo Jubbaland ayaa ah labo maamul xiriir soke leh, isla markaana mar walba isku siyaasad ah, waxaana kulankooda ku soo aadayaa, xilli dalka uu galayo xaalad kala guur ah oo ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.