Shacab ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka J/Hoose

Wararka Maanta

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sheegeen in Gaari Hoomey ah oo ka yimid tuulooyin hoostaga degmada dhoobleey uu qaraxa qabsaday,gaarigaas oo ahaa mid Subaxdii hore ee shalay Caano ka qaaday degmada dhoobleey,hayeeshee markii uu soo laabtay uu qaraxaasi qabsaday.

Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee degmada Dhoobleey  Nuur Biixi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah dhaawiciisa uu yahay mid culus.

Hayeeshee warar kale oo soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi dadka ku dhintay ay kor u dhjaafayaan ilaa 7 Ruux oo qaarkood la geeyay isbitaalo ku yaalla degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Majirto cid ilaa iyo hadda sheegatay qaraxa miino ee qabsaday Gaari ay wateen dad Shacab ah,hayeeshee waxaa qaraxyada noocaas oo kale ah ee ka dhaca gobolka Jubbada Hoose lala eegtaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Xigasho: Risaala Radio.