Sergio Ramos Oo Ka Tagi Kara Real Madrid

Ciyaaraha

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanaayo inuu u ogolaado kabtanka kooxda Sergio Ramos inuu ka tago Santiago Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan.

30-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda Los Blancos kooxda Sevilla xagaagii 2005, waxaana uu ku dhowyahay inuu 500 kulan u safto kooxda reer Spain  tartamada oo dhan.

Waxaa la fahamsan yahay in daafaca dhexe  uu ku dhowaaday inuu ku biiro kooxda Louis van Gaal ee Manchester United xagaagii hore, laakiin ugu danbeyn qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sanno Bernabeu.

Sida laga soo xigtay Diario Gol, madaxweynaha kooxda Perez ayaa ka fikiraya inuu fasaxp Ramos si uu uga tago qiimaha saxda ah dhamaadka xilli ciyaareedkan, taas oo soo jiidatay indhaha ee Chelsea iyo Juventus.

Ramos ayaa haatan ku maqan dhaawac jilibka ah isagoo garoomada ka maqnaado muddo lix isbuuc ee soo socota.

Tagged

Comments are closed.