Senator Xuseen Cali Xaaji oo ka badbaaday isku day dil

Wararka Maanta

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji ayaa goor dhow ka bad baaday isku day dil, kaddib markii gaari uu saarnaa lagu rasaaseeyay degmada Hodan.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga Xildhibaanka lagu hor-jaray gaari ay saarnaayeen kooxo hubeysa, meel ku dhow Isbitaalka Masaarida.

Rasaasta lagu furay gaarigiisa ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkiisa iyo gabar uu adeer u yahay oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Senator Xuseen Cali Xaaji oo si kooban ula hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in hada uu caafimaadkiisa qabo, isla markaana gaari uu la socday la weeraray.

Weerarada lagu fuliyo gaadiidka ee ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ayaa muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku yimid, waxaana weeraradan sanado ka hor lagu qaarijiyay saraakiil iyo xildhibaano