Sawirro: Maxkamadda Ciidamada oo Xukuno ku riday rag loo heystay qaraxii suuqa beerta

Wararka Maanta

Xukun kama dambeys ayey Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabaka Sida ka gaartay eedeysanayaashii loo heystay weerarkii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay suuqa beerta ee degmada Waabar ee gobalka Banaadir sida uu saakay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute:-
(Taariikhdu ahayd 12/03/2017 Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida waxay marki labaad u fariisatay dacwad I Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :-
1- C/qaadir Cabdi Xasan 40 jir ah ina Xaliimo Cali Yarow ku dhashay Sh. Hoose
2- Max’ed C/llaahi Nageeye 60 jir ah ina Xaliimo Nuur ku dhashay Xaradheere.
3- C/naasir Cumar Xasan 23 jir ah ina Safiyo C/llaahi Nageeye ku dhashay Galgaduud.
4- Max’ed Jaylaani Cilmi 33 jir ah ina Kutubey Abiikar Cabdi ku dhashay Xamar .
5- Xasan Max’ed Dhaayow 55 jir ah ina Xaliimo Cali Shuceyb ku dhashay Sh. Hoose
6- C/llaahi Xirsi Salaad 22 jir ah ina Xaliimo Cabdulle ku dhashay Galgaduud.
7- Aadan Max’ed Jaamac 19 jir ah ina Bilan Max’ud ku dhashay Xamar , kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo Xasuuq dad shacab ah dambiyadaas oo ku kala Xusan Aayada 178aad Suuratul Baqara iyo Aayadaha 33aad 45aad Suuratul Maa’ida iyo Qod.1, 64, XCCQS oo lala Aqriyo Qod. 221, 222, 434 XCS kadib markii ay mid noqdeen Ururka Al-shabaab , islamarkaana ay ka qayb qaateen falal lid ku ah Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo ka mid ahaa dadkii abaabulay, diyaariyay, fulliyay Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi Tr.26/11/2016, halkaas ay ku nafwaayeen 30qof oo ah ganacsatadii suuqa 43 kalane ku dhaawacmeen.
DOOD DHEER KADIB.
MAXKAMADDU:
Markay Dhagaysatay: – Maxkamadda Qiraalka Eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan, oo uu ka horcadeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida horteeda in uu damacsanaa in uu isku qarxiyo suuqa beerta, markii ay qabteen ciidanka amnigane uu gaarigii uu waday ku qarxay suuqa beerta degmada waabari goobtaasna ay ku geeriyoodeen dad u badan ganacsatadii suuqa.
Markay Aragtay: – Maxkamadda Qiraalka Eedaysane C/naasir Cumar Xasan , oo uu ka hor bixiyay garsoorka Ciidamada Qalabka sida hortiisa in gaariga caasiga ah ee qarxay uu garaashka ugu keenay eedaysane Maxamad Claahi Nageeye mudo labo maalin ahna uu yaaalay gudaha garaashka kadibna uu ku wareejiyay labo nin oo uu usoo diray eedaysane maxamad c/laahi nageeye.
Markay Dhagaysatay:- markhaatiyaasha la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan oo wada gaari caasi ah ay ka shakiyeen kana dejiyeen gaariga inti ay su,aalaha waydiiyeena uu qarxay gaarigii uu waday eedaysanaha , goobtaasna ay ku dhinteen dad shacab ah oo u badan ganacsatadii ka agdhawayd qaraxa, kadibna uu eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan usheegay in uu doonayay in uu asaga is qarxiyo, sidaasna ay ku qabteen asagoo geeyay garaashkii uu kala soo baxay gaariga qaraxay halkaasna laga soo xiray C/naasir cumar xasan, maxamad c/laahi nageeye iyo dhamaan shaqaalihii garaashka.
Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii laga qoray eedaysanayaasha, iyo liiska ganacsatadii ku geeriyootay suuqa beerta oo tiradoodu dhantahay 30 qof oo dhimasha ah iyo 43 dhaawac ah. 2- Teleefanada ay ku wada xariirayeen eedaysanyaasha 1,2,3.
Markay Dhagaysatay:- Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysane C/qaadir Cabdi Xasan loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya 6 eedaysane oo kalane xuriyadooda loo celiyo.

Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:-
1- Dambiile C/qaadir Cabdi Xasan uu yahay dambiile galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku xukuntay Dil Toogasho oo ah qisaasta ganacsatadii ku geeriyootay suuqa beerta degmada waaberi 26-11-2016.
2- Maxamad Cabdulaahi Nageeye iyo Cabdi Naasir Cumar Xasan waxay maxkamaddu ku xukuntay min 15(shan iyo toban} sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxay maxkamadda amraysaa in xabsiga laga siidaayo :-
1) Maxamed Jaylaani Cilmi
2) Xasan Maxamed Dhaayow
3) C/laahi Xirsi Salaad
4) Aadan Maxamed Jaamac , hadii aan loo haysan dambi kale.
.

Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan.

Dhamaad

FB_IMG_1489386521377 FB_IMG_1489386516540 FB_IMG_1489386509766 FB_IMG_1489386506352 FB_IMG_1489386500349