Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa maalinimadii Axadda booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Manama ee caasimada dalka Baxreyn.
Booqashadan hal maalin ayaa Erdogan waxa soo dhaweeyey boqorka dalkaasi Xamad Bin Ciise, waxayna salaan ka qaateen ciidamada dalkaasi.
Dhanka kale labada masuul ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, waxaana la filayaa in beri oo isniin ah u ambabaxo dalka Sucuudi Carabiya.