Site icon Ceelhuur Online

Sawirro: Dayactirka Madaxtooyada Galmudug oo gabagabo maraya

Waxaa heer gabagabo ah maraya dayactirka Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cadaado, arintaan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Mr. Xaaf oo muddo laba todobaad ah safar uga maqan deegaanada Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Cadaado xarunta Galmudug.

Xaaf ayaa ka qeybgalay Shirkii London ee Soomaaliya loo qabtay, waxaana uu sidoo kale magaalada Muqdisho kula kulmay Beesha Caalamka, madaxda dowlada Federaalka iyo qeybaha Bulshada.

Exit mobile version