Sawirro: Bulshada Hobyo oo go'aansaday in Mashruuca Tabar-Wadaag lagu maalgaliyo Garoonka diyaaradaha Hobyo

Arimaha Bulshada Hormarka Dalka Wararka Galmudug Wararka Maanta

Fagaaraha wacyi-gelinta magaalada Hobyo waxaa shalay  lagu soo gabo-gabeeyey shirar iyo talo isweydaarsi muddo hal todobaad ah u socday dadweynaha ku nool Hobyo, iyagoo ka tashanaayey sida loo kala hormarinayo horumarinta magaalada, ugu dambayntiina waxay dadwaynuhu cod u qaadeen sagaal baahiyood oo deegaanka ka jirta iyo sidey ugu kala mudanyihiin ama ay ugu kala horrayndoonaan horumarinta loogu talo galay magaalada.

Kartoomada aad arkaysaan waa meelaha lagu kala ridaayey codadka dadweynaha, waxaana kartoon kasta dhinaca uga qornaa magaca adeegga horumarinta u baahan.

Waxaa la is barbardhigay
1-waxbarashada
2-isbitaal
3-waddooyin
4-kalluumaysiga
5-xanaanada xoolaha
6-dhisidda xarumaha degmada
7-ceelal biyo
8-layrarka sollarka
9-garoonka diyaaradaha.

Codadkii dadweynuhu waxay u bateen in ugu horrayn la dhiso garoonka diyaaradaha, waxay kaalinta labaad gashadeen horumarinta kalluumaysatada, Mashruucaan ayaa qeyb ka ah barnaamij lagu hormarinayo 4 degmo Ka tirsan degmooyinka Dowlad goboleedka Galmudug,  afartan ayaa kala ah Cadaado, Cabudwaaq, Balanbale iyo Hobyo, mashruucan ayaa waxaa ku baxaysa 400 kun dollar degmadiiba, waxaan maalgalinaya Sanduuqa kaalmaha Soomaaliya (SSF), waxaan fulinaysa hay’adda CPD.

Degmada Hobyo ayaa cagta saartay wadada hormarka, iyadoo dhawaan la filayo in gole deegaan loo dhiso, waxaa sidoo kale la filayaa in bisha September ay dib u furanto dekada Magaalada Hobyo.

14045868_1164681423596633_1901093819486653157_n 14051574_1164681853596590_8933569404973319385_n 14055104_1164681186929990_4909674368220249589_n 14055157_1164680196930089_3373678678479841045_n

Abdi Hassan Awoowe

Hobyo Galmudug

 

 

Comments are closed.