SAWIRO:Khasaaraha kadhashay duqeyntii kadhacday duleedka magaalada galkacyo oo sii kordheysa

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay duqeyn ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, saqdii dhexe ee xalay.

Ku dhawaad 18 askari ayay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta diyaaradaha dagaalka ay ka geysteen duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana kadib xigay dagaal muddo kooban socday.

Puntland ayaa sheegtay in duqeynta iyo dagaalka lagu bartilmaameydsaday xubno ka tirsan Alshabaab sida uu warbaahinta u sheegay isku duwaha warfaafinta gobolka Mudug ee Puntland C/naasir Bedel Khalaf.

Saraakiisha Puntland waxay sheegeen in xubnaha lagu dilay duqeynta iney doonayeen weeraro ka dhaca magaalada Gaalkacyo, Balse Galmudug ayaa sheegtay in ciidamada duqeynta lagu dilay iney ahaayeen ciidamo Galmudug ka tirsan oo saldhigooda ku sugnaa.

Duqeynta oo ka dhacday deegaan miyi ah ayaa sawirada waxaa ka muuqanaya gaadiid dagaal oo waxyeelo ay kasoo gaartay duqeynta.

2-10 3-10-1 4-9-1 6-7 7-6

Comments are closed.