Sanad ka dib Maxaa ka fulay Ballanqaadyadii Farmaajo ee Puntland iyo Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa xaqiijiyay in inta badan aysan hirgalin Ballanqaadyaddii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sameeyay Markii uu booqasho ku tagay degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug sanad ka hor.

Janaayo, 10. 2018 Madaxweyne  Farmaajo waxaa uu dhax dhigay waddo Laami ah oo isku xirta degaannada Dan-Goronyo iyo Eyl ee gobolka Nugaal, Ilaa iyo hadda ma jirto howl ka socota wadadaasi ma jiro guddiyo ka socda dowladda oo ku howlan bilaabida dhismaha Wadada oo qeyb horay uga aheyd isku tashiyo badan oo ay sameeyeen Shacabka kunool degaanada maamulka Puntland sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland

Hal Sano ka hor Madaxweyne Farmaajo waxaa uu degaanada Puntland iyo Galmudug ka sameeyay Dhaxdhigga Mashaariic ku dhow 20, maamulada degaanadaasi ka arimaya waxa ay sheegayaan in xataa aysan socon dadaallo lagu fulinaayo Mashaariicdii uu ballanqaaday Madaxweynaha oo markii horaba Siyaasiyiinta qaarkood ay la yaabanayeen sidda loo fulin doono.

A3

Dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayuu dhagax dhigay 23 Bishii January 2018, waa mid ka mid ah Mashaariicda dadka degaanada Galmudug ay u qabeen Baahida badan, Madaxweyne Farmaajo, xilligaasi waxaa uu sheegay  in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono dekedda waxaana uu xukuumadda ku amray fulinta Mashruuca Dekedda.

Dekeddii wali howli kama socoto Sidda uu xaqiijiyay Shalay Senetor Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo sheegay in madaxweynaha hal sano ka dib looga fadhiyo fulinta dhismaha Dekedda Hobyo iyo Mashaariicdii uu ballanqaaday.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Magaalooyinka Qardho, Cadaado, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ka sameeyay Dhagax dhiggida xarumaha Jaamacadda Umadda, hal Sano ka dib ma jiro meel Magaalooyinkaasi ka mid ah oo laga bilaabay xarumaha Jaamacadda Umadda, waxaana siddaasi Risaala u xaqiijiyay Mas’uuliyiinta tacliinta Puntland iyo Galmudug.

Shacabka waxaa ku abuuray wel wel badan oo ku aadan sababta loo fulin waayay xataa hal ka mid ah mashaariicdii laga dhigax dhigay degmooyinka Galmudug iyo Puntland sababta xataa Guddiyo loogu saari waayay shaqaddaasi, Maadaama Madaxweyne Farmaajo uu Shacabka hortooda ka ballanqaaday dhismaha Mashaariicdaasi.

Hoos Akhriso dhammaan Mashaariicdii uu dhagax dhigay Madaxweyne Farmaajo Safarkii uu hal sano ka hor ku tagay degaanada Galmudug iyo Puntland.

  1. Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
  2. Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
  3. Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
  4. Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
  5. Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
  6. Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
  7. Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
  8. Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
  9. Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
  10. Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
  11. Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
  12. Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
  13. Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
  14. Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
  15. Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
  16. Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
  17. Garoonka diyaaradaha Cadaado
  18. Dhismaha Dekedda Hobyo