RW Itoobiya Abiy Ahmed oo Booqashadii ugu horeysay ku tagay Asmara (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Dr Abiy Ahmed Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya  ayaa booqasho Taariikhi maanta ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea. Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaara ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Eritrea muddo 20 sano ah.

Mr. Abiy ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Eritrea Isayas Afeworki, Itoobiya iyo eratariya ayaa waxa sanaddii 1998 dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo 20 sano ah islamarkana labadaba wax xidhiidh ah malahayn tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay.

Horey waxaa magaalada Adis Ababa booqasho ku yimid ergo ka socotay dalka Eritrea oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa.

Jidadka magaalada Asmara ayaa lagu xardhay calamka dowladda Itoobiya waana tallaabo qeyb ka ah soo dhaweynta ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Tagged