Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax daqiiqado kahor ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Askar Ilaalo u aheyd.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in qaraxas uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasadda Kaxda Cabdinaasir Xasan Cali, isla markaana ay ku geeriyoodeen  laba Askari oo la socday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray Isgoyska Xoosh, iyagoona soo qaaday dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka iyo Meydadka Askartii Ilaalada u aheyd, waxaana sidoo kale la xiray Aaga uu Qaraxu ka dhacay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Qaraxii daqiiqado kahor lala eegtay Gaari uu la socday Mas’uul ka tirsan Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Xigasho: Dalsan