Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo xiran

Wararka Maanta

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, kaasoo loo diidan yahay inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Waddooyinka xiran ayaa halbowle u ah qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kala go’an wadada Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama oo waddooyinka yar ee isku xira ay diideen in la maro Ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa waddooyinka si feejigaan ku jirto u taagan, waxaana dadka ay u ogol yihiin kaliya inay lugeeyaan, halka gaadiidkana lagu amrayo inuu dib u laabto.

Xirnaanshaha waddooyinka qaar ee Caasimadda ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay magaalada Muqdisho ka dhaceen qaraxyo mataano ahaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya labaatameeyo ruux.

Hey’addaha ammaanka ayaa xoojiyay amniga Muqdisho, tan iyo markii khamiistii Golaha Wasiirada soo saareen digniin ku aadan gaadiid qaraxyo ku raran yihiin oo ku jira magaalada.