Nin British ah oo la soo taagay maxkamada gobolka Banaadir

Wararka Maanta

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa maanta la soo taagay Andrew Braian Irlam oo ah muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska isagoo lagu eedeeyay qalqal gelin amniga.

Andrew oo ku xirnaa magaalada Muqdisho tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 ka dib markii ay gacanta ku dhigeen Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya isagoo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa kusoo eedeeyay Andrew Braian Irlam in uu carqaladeeyay nabad-gelyadda dadweynaha iyo in uusan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa uu ku watay boorso xili ka duulayay madaarka Aadan Cadde.

Muwaadinkan maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir ayaa intii uu ku xirnaa xabsiga dhexe waxaa ku weeraray maxaabiis ku xirneyd kuwaasoo hore uga mid ahaa ururka Daacish waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Andrew Braian Irlam ayaa maanta kasoo hor Muuqday Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana la dhageystay eeda loo heysto eedeysanaha, iyadoo wali Maxkamadda aysan ku dhawaaqin xukunka lagu riday.

Xigasho : Jowhar News