Xubno ka tiran Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah Golaha Wasiirada maamulkaasi, iyagoo ku eedeeyey waxqabad la’aan. Warka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaanada gudbiyey Mooshinka ay gaarayaan ilaa 20 Mudane.
Guddoonka Baarlamaanka Jubaland ayaa aqbalay mooshinkan oo durba xiisad ka dhex dhaliyay Maamulka Jubbaland. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Baarlamaanka Jubbaland ka doodo mooshinka loo soo gudbiyay.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa sheegaya inay jiraan hanjabaado ay kala kulmayaan Madaxtooyada Jubbaland.
Kulamo iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Kismaayo, iyadoo Maamulka Axmed Madoobe uu la kulmayo cadaadis.