Mohamed Salah Oo Weli Xiriir La Leh Jose Mourinho

Ciyaaraha

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu weli xiriir wanaagsan la leeyahay Jose Mourinho, inkastoo la sheegay in xiriir fiican uusan ka dhaxeyn xilligii ay Chelsea wada joogeen.

Ciyaaryahanka reer Masar ayaa  ku soo biiray Stamford Bridge bishii Janaayo 2014, isagoo 19 kulan  ciyaaray labadii sano ee uu joogay kooxda.

Mourinho ma uusan sii joogin kooxda Chelsea markii Salah uu ka soo dhaqaaqay, isagoo labo goor amaah ku soo ciyaaray, 25 jirkaan ayaana ku riyaaqaya qaab ciyaareedkiisa noloshiisa xilli ciyaareedkaan – isagoo sheegay inuusan jirin dareen adag oo u dhaxeeya labadooda.

 

Salah ayaa 27 gool u dhaliyay Liverpool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, 21 ka mid ah waxa uu ka dhaliyay Premier League.