Maxkamadda ICJ oo Somalia weydiisatay in ay ka jawaabto dacwad ay Kenya geysay.

Wararka Maanta

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa Soomaaliya ka dalbatay in ay jawaab ka bixiso islamarkaana geyso Maxkamaddaas dacwad Bishii December ee la soo dhaafay Kenya u gudbisay Maxkamadda taas oo ahayd in kiiska muranka badda dib loo amba qaado islamarkaana mar kale ay ka doodaan labada dal.

ICJ ayaa Soomaaliya u qabatay ilaa 18ka June ee Sanadkan,waxaana kaddib jawaabta Soomaaliya Kenya heysataa fursad kale oo lix bilood ah oo iyana ay uga jawaabeyso.

Labada dal murankooda ayaa 2dii Feb, Sanadkii 2017kii Maxkamadda ICJ waxaa ay taageertay doodad Soomaaliya,waxaana Kenya ay dooneysaa in qaadista dacwaddan ee Maxkamadda la joojiyo labada dalna ku dhameystaan si gaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaase taas  diidday,waxaana Kenya wareegga 1aad looga guuleystay in kiiskan ay Maxkamadda qaadeyso,taas oo hadda mar kale dib u billaabaneysa.

Kenya iyo Soomaaliya waxaa hadda u dhaxeeya muran dhinaca Badda ah iyada oo kii dhulka uusan wali meelna u dhicin,waxaana Kenya ay dooneysaa  in biyo badeed gaaraya 100,000KM labo jibbaaran ay kal qaadato Soomaaliya.

Kenya waxaa kale oo ay Maxkamadda iyo warbaahintabada ka sheegtay in haddii looga adkaado kiiska badda ee Soomaaliya ay janjeersiga baddeeda saameyn ku yeelan doonto dhinaca Dalka Tanzania halkaasna ay dacwad kale ka furi doonto.

Soomaaliya waxaa ay dacwadda Badda markii ugu horreeysay u gudbisay Maxkamadda ICJ sanadkii 2014kii,waxaana wareeggiisa 1aad la soo afjaray 2017 iyada oo wareeggaas ay Soomaaliya guul ka gaartay hayeeshee wareegyadan kale ayaa ah kuwo mar kale u baahan in la isu diyaariyo.

Dowladda Kenya waxaa ay Maxkamadda la tagtay is afgarad dhexmaray dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif iyo iyada,waxaana is afgaradkaas 2009kii diiday Baarlamaankii KMG ahaa.

Xigasho: Radio Mustaqbal