Masuuliyiinta Safaaradda Imaraadka  Carabta ee Dalka Kenya oo booqday dhawacyadii dhawaan dawladda imaraadka ay uqaaday dalkaas.

Wararka Maanta

Masuuliyiin sar sare oo katirsan Safaarada  Dowladda Imaraadka Carabta ee dalka Kenya ayaa booqday dhaawacyadii ay diwladda Imaaraadku u qaaday dalka Keynya oo Hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Naiobi kuwaas oo ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ee ka dhacay 14kii bishan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ayaa todadbaadkii hore u qaaday dalkaasi Qaar ka mid ah dhaawacyadii Qarxii Zoobe kuwama oo lagu daweynayo Isbitaalada uu wanaawanaagsan Magaalada Nairobi.

Masuuliyiinta Safaarada Imaraadka Carabta ee dalka Kenya ayaa waxa ay u kuur galeen sida ay tahay xaaladda  caafimaad ee dhaawacyada.
Dhaqaatiir iyo masuuliyiin ka ka tirsan  Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa la socday xaaladda dhaawacyada tan iyo markii la geeyay Isbitaalada Magaalada Nairobi.

Xaaladda caafimaad ee Dhaawacyadii ay Dowladda Imaaraad u qaaday Dalka Keynya ayaa ah mid ka soo reyneysa kadib markii ay heleen Adeeggii Cafimaad ee ay u baahnaayeen.

Dawladda imaraadka Carabta ayaa qeyb weyn ka qaadatay gurmadka cafimaad ee degdeg ah ee loo fidiyay Dadkii ku dhawacmay Qarixii Zoobe, waxa ayna ballan qaaday in ay gudaha iyo Salka dibadiisa intaba ku daaweyso 100 ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa iyo Daryeelka 300 qoys oo ka mid ah dadkii ay ehelkooda ku geeriyoodeen Qaraxaasi.