Masuul Sare oo Mareykan ah oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa soo gaaray wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka, iyagoona lagu soo dhaweeyay Caasimadda dalka.

Sii-hayaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka Christopher Miller oo saacado kooban ku sugnaa Muqdisho ayaa kulan gaar ah Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula qaatay xubno ka mida ah Ciidamada Mareykanka, sida uu shaaciyey Telefishinka CNN.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo Maamulka Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ku sugan Soomaaliya oo gaaraya ku dhowaad 700 askari.

Mareykanka ayaa Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones ku beegsadaan xubnaha sare ee Al-Shabaab.