Markii ugu horeysay Dumarka Sucuudiga oo Baabuurta wadanaya (Sawirro)

Wararka Maanta

Haweenka Sucuudiga ayaa markii ugu horeysay si xor ah u wadanaya gaadiidkooda, waxaana maanta oo Axad ah ku eg xayiraadii horey u saarneyd. arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu soo rogay isbadalo waaweyn.

loolan ayaa wali ka taagan arimaha xoriyadda dumarka, halka kooxaha qaar codsanayaan in la balaariyo xoriyadda dumarka ayaa dhanka kale Aqlabiyadda wadaada ay ka walwalsan yihiin isbadalada cusub oo ay u arkaan in lagu xadgudbayo diinta iyo dhaqanka Islaamka.

Markii ugu horeysay ayaa qaar ka mid ah Dumarka Sucuudiga waxaa la siiyey kaarta wadista baabuurta [Driving Licence ], Sidoo kale Dumarka ayaa loo ogaaladay in ay wadaan gawaarida tartamada ciyaaraha.

Goobaha laga dukaameysto ayaa loo yeelay meel gaar ah oo ay dumarku gaadiidka dhigtaan, waxaana sidoo kale la furay dugsiyo u gaar ah dumarka oo lagu barto wadista gaadiidka.

Horey waxaa sucuudiga mamnuuc uga ahaa Dumarka heesa, codka dumarka, in dumarku wadaan gawaarida iyo in rag iyo dumar aan isqabin goob ku kulmaan. Waxaana muuqata in Maxamed Bin Salmaan uu la yimid dhaqan taas ka badalan, isagoo furay goobo waaweyn oo lagu ciyaaro khamaarka iyo arimo kale.

Sidoo kale Maxamed Bin Salmaan ayaa xabsiga u taxaabay Xubno sare oo ka tirsan qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya si uu fursad ugu helo isbadala uu damacsan yahay.