Maraykanka oo walaac ka muujiyay ciidamada dowlada ee gedo la geeyay

Wararka Maanta

Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka Rodney Hunter  ayaa si kulul uga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay geysey magaalooyin ka tirsan gobolka Gedo.

Rodney Hunter ayaa sheegay in sanadkan 2020-ka uu Soomaaliya u yahay sanad adag, maadaama ay dooneyso inay xal ka gaarto deyn cafinta, doorashooyinka qaranka iyo sidii ciidamaada Soomaaliya ay AMISOM uga la wareegi lahaayeen sugidda amniga dalkooda.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubaland iyo ciidanka ay xukuumadda Soomaaliya muddooyinkii dambe ku daabuleysay qeybo ka mid ah Gedo.

“Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter oo ka hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Waxaan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeynaa in uu soo afjaro duulaanka ay ciidanka

Dowladda Federaalka ka wadaan gobolka Gedo, isaga iyo madaxweynaha Jubaland Madoobe ay xoogga saaraan wadahadal iyo dib u heshisiin”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mr Hunter ayaa sidoo kale sheegay in horumar walba oo laga gaaro dhinacyada amniga, siyaasadda, deyn cafinta ay udub dhexaad u tahay iskaashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale Mareykanka ayaa aad uga walaacsan khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada oo muddooyinkii dambe sii xoogeystay, waxana sheegay in xallinta arrintaas ay kala hadleen Dowladda Soomalaiya iyo maamul goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku macneysay sababta ay ciidamada u geysay gobolka Gedo ay sugayaan ammaanka xuduudaha dalka Soomaaliya.