Madaxweyne Xaaf oo maanta tagaya Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug,  Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf iyo masuuliyiin kale ayaa maanta tagaya magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa ka socota caasimadda Dhuusamareeb.

Dhanka kale ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey Madmadow soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi, Sidoo kale waxaa soo ifbacaya kala aragti duwanaansho u dhaxeeya xildhibaanada Galmudug, iyadoo qaarkood qabaan in heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunno marka hore la horkeeno Barlamaanka Galmudug.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in Ahlu sunna ay xildhibaanada ay soo xulayaan ku dareen beelo aan ka mid aheyn 11 beelood ee dhistay Galmudug, waxaana wararku sheegayaan in ay xubno siiyeen beelaha Xawaadle, Jajeele, Majeerteen iyo Dhulbahante, xogta ayaa intaas ku dareysa in beelaha Qaar saami fiican ka heleen Xildhibaanada Ahlu sunno, halka Qaar kale hoos loo dhigay matalaadooda.

Dadka siyaasada odorasa ayaa sheegaya in ay Galmudug  todobaadkan gali doonto mowjado siyaasadeed oo ka dhalan doona marxaladda kalaguurka.