Madaxweyne Xaaf oo ku laabtay Dusmareeb

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayey Sheekh Maxamed Shaakir.

Madaxweyne Xaaf ayaa safar aan la shaacin ujeedadiisa ku tagay magaalada Garoowe caasimadda Maamulka Puntland, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in mr. Xaaf u aaday Garoowe sidii uu garab uga heli lahaa Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas oo ah gudoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Xaaf ayaa mucaarad xooggan waxaa kala hor yimid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Barlamaanka  Galmudug Cali Gacal, qaar ka mid ah beelaha Galmudug iyo Dowladda dhexe.

Dhanka kale Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusoo qulqulaya xildhibaanada Galmudug, waxaana la qorsheynayaa in labada maalin ee soo socota buuxiyaan kooram, iyagoo bilaabi doona fadhiyadoodii caadiga ahaa, taageerada Dowlad dhexe ee garabka Cadaado ayaa ku xiran bilowga fadhiyada Barlamaanka.

Xaaf ayaa la filayaa inuu beri u safro magaalada Muqdisho, isagoo uga sii gudbi doona Magaalada Baydhabo oo uu ka furmayo shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.